Dukumiintiyo cusub oo ka soo baxay Waaxda Difaaca Mareykanka (Pentagon) ayaa shaaca ka qaaday in duqeymaha cirka ee Mareykanka ee Bariga Dhexe, laga soo bilaabo 2014, ay gallaafteen nolosha dad badan oo aan waxba galabsan.
Jariidada New York Times oo soo xiganaysa madax ameerikaan ah ayaa sheegtay in tusaalooyinka la bixiyay ay kamid yihiin in 120 qof oo reer Suuriya ah mar qura lagu dilay duleedka tuulada Tokhar, weerarkaas oo Pentagon-ka uu xilligaas sheegay in lagu beegsaday isku imaatin ay ku sugnaayeen waxa ay ugu yeereen argagixiso.
Tusaale kale ayaa shaaca ka qaaday in bishii November 2015 gobolka Ramadi ee dalka Ciraaq, caruur yar yar oo muslimiin ah.
Mareykanka ayaa inkiriray dhacdadaas iyo kuwa kale oo badan, warbixintanna waxay sifeysay in ciidanka cirka ee dowladdaas ay kumannaan muslimiin ah ku laayeen Soomaaliya, Ciraaq, Afganistaan, Suuriya iyo wadamo kale.
Dalalka ugu daran ee ay jariimooyinka ka geysteen waxaa kamid ah Suuriya iyo Afganistaan, waxaana ay haatan doonayaan iney si iska caadi ah uga cudur daartaan iyagoo ku marmarsiyoonaya iney khalad u sheegeen jawaasiistooda.