Duleedka magaalada Ceel-cadde ee gobolka Gedo waxaa ka dhacday arin naxdin leh, taasoo gallaafatay nolosha caruur Soomaaliyeed oo da’ yar.
Caruurtan da’da yar oo xoolo dhaqato ah ayaa garaacay haraadiga gantaal ay horey usoo tuureen diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya.
Haraadiga gantaalka ay caruurtan garaaceen ayaa ku qarxay, waxaana durba goobta ku dhintay 2 caruur ah, halka sidoo kale ay dhaawacmeen 3 kale.
Dadka deegaanka ayaa u gurmaday caruurta dhaawacan, waxaana dhaawacyada la keenaya isbitaalka caafimaad ee Ceel-cadde.
Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka iyo kuwa Kenya ayaa duqeymo ka geysta qeybo kamid ah gobollada Soomaaliya, waxaana mararka qaar gantaallada ay ridaan dhacda inaaney qarxin, iyadoo ay badantahay inta ay qarxaan oo ayba ku naf waayaan dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.