HomeAll newsMaraykanka Oo Dad Isku Qoys ah ku beegsaday Gobolka Idlib ee Suuriya.

Maraykanka Oo Dad Isku Qoys ah ku beegsaday Gobolka Idlib ee Suuriya.

 

Wararka ka imaanaya dalka Suuriya waxay tilmaamayaan in diyaaradaha Maraykanka duqeyn ay ka fuliyeen wuqooyiga Suuriya ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dad shacab ah.

Duqeynta oo ka dhacday gobolka Idlib gaar ahaan deegaannada baadiyah ayaa waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday ugu yaraan 6 ruux oo dhamaantooda isku qoys ahaa.

Wadada xiriirisa magaalooyinka Ariixa iyo Al-Masdhuuma ee gobolka Idlib ayay ka dhacday duqeynta, waxaana ay haleeshey dad shacab ah oo aan waxba galabsan, sida ay tilmaamayaan wararka Suuriya ka imaanaya.

Wiil da’ yar ayaa dhintay, 5 kalena way dhaawacmeen kuwaasoo 3 kamid ah dumar yihiin, halka mid kalena uu ilmo yar ahaa, sidaasi waxaa xaqiijiyay kooxaha badbaadada oo gaaraya goobta ay duqeyntu ka dhacday.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegatay masuuliyadda duqeyntan dadka shacab ah dhimashada iyo dhaawaca ku noqdeen, waxaana bayaan kasoo baxay taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka lagu sheegay in maalintii shalay oo Jimco ahayd duqeyn ka geysteen gobolka Idlib, kuna beegsadeen hogaamiye sare oo katirsan Al-Qaacida.

Waxaa la is waydiinayaa waxa caruur iyo dumar ka dhigay hogaamiyaal sare oo katirsan Al-Qaacida, hase yeeshe mar marsiyadaas ayaa ah mid joogta ah, mar weliba oo uu Maraykanku laayo dad shacab ahna uu warbaahinta ka sheegto.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular