Wararka ka imaanaya dalka Mareykanka ayaa ku waramaya in tobannaan ruux ay ku dhinteen duufaanno xooggan oo ku dhiftay 4 gobal oo katirsan waddanka Mareykanka.
Duufannadaan ayaa sidoo kale geystay khasaarooyin hantiyeed waxaana gobalka Kentucky oo kaliya duufaan ku dhifatay ku naf waayay in ka badan 50 ruux oo American ah, sida uu sheegay gudoomiyaha gobalkaas, isagoona xusay in tirada dhimashada laga yaabo inay gaarayso 70 illaa 100 ruux.
Sida uu daabacay warheyska the Washington Post duufaanadaan oo ku dhiftay illaa 4 gobal oo katirsan dalka Mareykanka ayaa sababay bur burka guryo iyo hanti fara badan.
Afhayeen u hadlay qolyaha gurmadka deg degga ah ee gobalka Tennessee ayaa sheegay in laba ruux ay ku dhinteen duufaan ku dhifatay magaalada Obion ee katirsan gobalkaas.
Ugu yaraan 100 gawaarida gurmadka deg degga ayaa sidoo kale gaaray gobalka Illinois, halkaas oo ay ku bur burtay xarun weyn oo ay leheed sharikadda Amazon kadib markii uu kusoo dumay gidaar ku ag yiilay sharikadda.
Afhayeen u hadlay Amazon ayaa sheegay in khasaare aad uxooggan uu Soo gaaray sharikadda, isagoona xusay in 3 meelood 2 meel ay bur burtay hantidii sharikadda.
Ugu yaraan hal qof ayaa sidoo kale ku dhintay duufaan ku dhifatay Magaalada Craighead ee dalka Mareykanka iyadoona 20 kale ay ku xayiran yihiin dhisme kusoo dumay.
Korontadana iyo isgaarsiinta ayaa ka go’an magaalooyin badan oo katirsan goballadaan, Waxaana suuragal ah in saacadaha Soo socda ay kororto khasaaraha ka dhashay duufannadaan.