Hogaanka maleyshiyada qowmiyadda Tigre ayaa waxay beeniyeen in magaalada Kombolcha ee waqooyiga Itoobiya ay ka bililiqeysteen kayd cunto ah oo loogu talagalay carruur Itoobiyaan ah oo ay nafaqo-darro hayso.
Jawaabta ay bixiyeen TPLF ayaa waxaa u sabab ah maalin kadib markii afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric uu sheegay in hay’ada WFP ay joojisay qaybinta raashinka markii boob loo geystay maalmihii tagay bakhaarro ku yaala Kombolcha taasoo ay ka dambeeyaan TPLF iyo dadka degaanka.
Afhayeenka ayaa shaaca ka qaaday in la boobay cunno aad u badan oo loo qorsheeyay in lagu badbaadiyo kumannaan caruur Itoobiyaan ah oo la daalaa-dhacaya nafaqo darro.
Arrintan ayaa dhaawac ku ah kooxda TPLF waxaana muuqanaysa in ay xageeda usoo wareegayaan qeybo kamid ah eedeymihii ay reer galbeedka iyo Qaramada Midoobay u jeedinayeen xukuumadda Adis-ababa.
Tigre waxay Jimcihii shalay soo saareen bayaan ay aad uga gilgilanayaan eedeymaha iyagoo xusay in aysan haba yaraatee dhac u geysan raashinka la sheegay, eedeyntuna tahay mid aan sal iyo baar toona lahayn.
TPLF, waxay dhankeeda eedeyn dusha ka saartay hey’adaha Qaramada Midoobay gaar ahaan “WFP” oo ay ku tilmaantay mid aad uga gaabisay kana cagajiideysa qeybinta raashinka loogu tala galay dadka gaajeysan.
Itoobiya oo ay ka holcayaan dagaalo u dhaxeeya dowladda iyo Mucaaradka ayaa waxaa dhanka kale ka jirta raashin yar tan oo saameyn ku yeelatay malaayiin qof oo Itoobiyaan ah, waxaana dalkaasi maalin walba gaajo ugu dhintay boqolaal qof.