Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa inta u dhexeysa magaalooyinka Baydhabo iyo Buur-Hakaba waxay kamiin culus u dhigeen ciidamo katirsan kuwa maamulka Koonfur Galbeed.
Kamiinka oo socday in muda ah waxaa ka dhashey waxyeello isuga jirta dhimasho iyo dhaawac, iyadoona sidoo kale ciidamada Mujaahidiinta ay kusoo furteen hub iyo gawaari.
Ugu yaraan askari katirsan ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ayaa kamiinka lagu dilay, halka sidoo kale ku dhaawacmeen 2 kale, waxaana Mujaahidiintu furteen gaari nooca raaxada ah.
Howlgalkan ka dhacay wilaayada islaamiga ah ee Bay ayaa imaanaya iyadoo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay fuliyeen howlgallo kala duwan oo lagu beegsaday Shisheeyaha iyo askarta Soomaalida ee wehlineysa.