HomeAll newsXildhibaano & Askar Amisom Ah oo Dhimasho & Dhaawac Ku Noqday Sh/Dhexe.

Xildhibaano & Askar Amisom Ah oo Dhimasho & Dhaawac Ku Noqday Sh/Dhexe.

Qarax aad u xooggan ayaa maanta oo Sabti ah ka dhacay magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe kaasoo lala beegsaday mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabelle iyo Ergay Xildhibaan.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in qarax aad u xooggan uu ka dhacay goob isku imaatin ah oo ay ku sugnaayeen Xildhibaano, Saraakiil iyo Ergooyinka xildhibaanada doorta qaarkood.

Inta la xaqiijiyay waxaa qarax ku nafwaayay oday kamid ahaa ergada xildhibaanada halka ay ku dhaawacmeen 2 Xildhibaan oo lagu kala magacaabo Cumar Maxamed Cumar iyo Yuusuf Cabdulqaadi Karaani iyo sarkaal ciidan.

Al Shabaab ayaa durbadiiba sheegtay mas’uuliyadda weerarkan sida ay baahisay Idaacadda Andalus ee afka Xarakada ku hadasha, waxaana dhanka kale jirta in maamulka Hirshabelle ay shaaciyeen khasaarahaas kasoo gaaray qaraxa.

Sidoo kale qarax xooggan oo maanta ka dhacay inta u dhaxaysa Mahadaay iyo Jowhar ayaa waxaa ku dhintay askar ka tirsan ciidamada shisheeye gaar ahaan kuwa u dhashay dalka Burundi.

Xarakada Al-Shabaab waxay sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, dhanka kalana ma jiro wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidanka shisheeye ee jooga xerada Xalane ee Muqdisho.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular