HomeAll newsFarmaao & Afwerki oo Diiday In La Baaro Tacadiyada Ka Dhacay Itoobiya.

Farmaao & Afwerki oo Diiday In La Baaro Tacadiyada Ka Dhacay Itoobiya.

Kulan ay yeesheen golaha isku magacaabay Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay oo waayihii lasoo dhaafay il gaar ah ku hayay xasuuqa ay ciidamada Itoobiya u geysanayaan shacabka ayaa ayaa u cod u qaaday si loo ansixiyo khuboro ka kooban 3 xubnood oo loogu tala galay iney baaraan xad-gudubyada ka dhashay dagaalada ka socda Itoobiya.

Sida lagu sheegay warbixin laga soo saaray codeynta, Guud ahaan 13-ka waddan ee Afrikaanka ah ee qeybta ka ah golahan Xuquuqul Insaanka sheegtay ayaa noqday kuwa diiday ama ka aamusay u codeynta xubnaha guddiga baaritaanka.

Mas’uuliyiintii ka socday DF ee fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa sida iney matalayaan gobol Itoobiya oo kale u diiday khubaradan waxayna aad u difaaceen ra’iisulwasaaraha dalkaas Abiy Axmad, waxaana xubnaha matalayay DF Muqdisho ka diray Farmaajo oo lagu xanto inuu yahay nin aad ugu dhaga nugul Xabashida.

Sidoo kale waxaa diidmada ku biiray dowladaha kala ah Eratariya, Ivory Coast, Cameroon, Namibia iyo Gabon kuwaasoo xulufo siyaasadeed ay kala dhaxayso Itoobiya.

Guddiga qaabilsan baaritaanka tacadiyada ka dhacay Itoobiya tan iyo November 2020 ayaa lama huraan u arka inuu u kuur galo xadgudubyo ka dhacay Itoobiya ayna geysteen ciidanka xukuumadda iyo kuwa Eratria, waxaana ay xuseen in dalkaas ay ka dheceen dilal xasuuq ah, dhaawacyo, kufsi iyo burbur, intaana waxaa sii dheer abaaro iyo gaajo badan.

Farmaajo ayaa qeyb ka ah isbahaysi uu sameystay Abiy Axmad, sidoo kale waxaa jirtay ballan ka dhaxaysa isaga iyo Abiy oo ahayd in mar kale uu u suura galinayo in uu kusoo laabto kursiga madaxtooyada ee Muqdisho, iyadoo arrintaasna Farmaajo looga badashay 4tii dakadood ee uu u saxiixay Xabashida.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular