Diyaarad nooca hellecopterka ah oo uu saarnaa taliyaha ciidamada wadanka Hindiya ayaa ku burburtay qeybo kamid ah wadankaas, sida ay ku waramayaan warbaahinta gudaha.
General Bipin Rawat oo ah taliyaha guud ee ciidamada wadanka Hindiya ayaa waxay diyaarad kula burburtay gobol dhaca koonfurta dalkaas oo lagu magacaabo Tamil Nadu, waxaana ka dhashey burburkaas khasaare kala duwan.
Ugu yaraan 4 ruux ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen burburka diyaaraddan milliteri ee uu la socday taliyaha guud ee ciidamada wadanka Hindiya, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale.
Qoraal kooban oo lagu qoray barta Twitterka ee taliska ciidamada hawada ee dalka Hindiya ayaa lagu xaqiijiyay shilkan diyaaradeed, balse laguma cadeynin xaaladda caafimaad ee taliyaha iyo inuu dhaawac soo gaaray iyo inkale.
Diyaaradda ayaa ka kacday saldhig milliteri oo ay leeyihiin ciidamada hawada ee wadanka Hindiya, waxayna kusii jeeday saldhig kale oo ku yaala deegaan lagu magacaabo Coonoor oo katirsan gobolka Tamila Nadu oo dhaca koonfurta dalka Hindiya.