Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa goor dhow ka dhacay isbadal maamul kadib markii ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay si buuxda ula wareegeen.
Wararka haatan inaga soo gaaraya Matabaan ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Xarakada Al-Shabaab ay la wareegeen xarumihii maamulka iyo saldhigyadii degmada, waxaana soo dhaweeyay dadka degaanka.
Tallaabadan ayaa waxay timid kadib markii ay halkaa isaga carareen ciidankii DF ee taabacsanaa maamulka Hirshabelle, Matabaan ayaana waxaa lagula wareegay si nabad ah oo aanu wax dhiig ah ku daadan.
Ciidamadii DF ayaa ka cararay qaar kamid ah agabyadoodii walow ay tan iyo shalay galab ku jireen heegan bixitaan ah kadib markii ay sii ogaadeen in ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay la wareegeen degaanada kala ah Beergadiid iyo Bacda oo labaduna hoos taga Matabaan.
Maaalada ayaa u muuqata mid deggan maadaama aan lagu dagaalamin mana jiraan qoysas barakacay, dadkuna waxay si nabad galyo ah ku wataan ganacsigooda iyo hawlahooda kala duwan.
Isbaaro weyn oo ciidamada DF u taalay Matabaan ayaan maanta shaqeeneyn, gaadiidka dadweynahana wuxuu wadada ku marayaa si nabad galyo ah. Sida ay inoo sheegeen dadka degaanka qaarkood, bartamaha magaalada ayaa waxaa laga taagay calanka uu Towxiidku dhaxda kaga qoran yahay kaasoo astaan u ah Xarakada Al-Shabaab.
Dad badan ayaa salaadii duhur masaajidda kula tukaday ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, iyadoo dhallinyarada da’yarta ah ay gacan qaadayeen ama salaamayeen ciidamada Mujaahidiinta ee furtay Matabaan.
Matabaan ayaa ka dhigan degmo weyn oo istaraatiiji ah oo kusoo biirtay wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan. Matabaan ama Matabaan Garoore waa Dagmo ku taala dhanka waqooyi ee gobolka Hiiraan, una jirta 75 kiilo mitir magalada Baldweyne ee Caasimada gobolka.
Mataban wa magalo tariikh facweyn leh, waxana la aas aasay dhammadakii qarnigi 19 tobnaad. Cimilada magaladu wa mid qaboow xiliga subixi iyo habeenki, walow xilliyada abaaraha ay kulushahay. Dhul ahaan magaaladu waxay ku taallaa meel taag ah waxayna ka sarreysaa magaalooyinka kale ee dariska ah.
Si kastaba ha ahaatee degmada Matabaan ee ay maanta la wareegeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ka kooban xaafado ka badan 10 waxaana kamid ah:
- Xariir yaale
- Xaashi indho buur
- Neeshinka
- Barakaat ama Hormuud
- Suuqa xoolaha
- Baliga
- Filla baadiyo
- ceelka biyaha ama Matoorka 9
- Qabuuraha Macalin Cumar.
- C/salaan
- Matabaan yare
- xaafada macalin Adan
Dadka falanqeeya arrimaha Milatariga ayaa sheegaya in la wareegitaanka degmada Matabaan ay Xarakada Al-Shabaab u sahleyso iney si degdeg ah ku furtaan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.