HomeAll newsDagaallo Askar Looga Dilay Kenya Hubna Looga Furtay oo Ka Dhacay NFD.

Dagaallo Askar Looga Dilay Kenya Hubna Looga Furtay oo Ka Dhacay NFD.

Ciidamada Milatariga Xarakada Mujaahidiihdiinta Al-Shabaab iyo kuwa Kenya ayaa ku dagaalamay gudaha dhulka Soomaaliyeed ee NFD, waxaana faahfaahin laga helayaa natiijada laba dagaal oo dhacay xilliyo aan sidaa u kala fogeyn.

Dagaalka ugu xooggan ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa tuulooyinka Sarmaan iyo Dhaaydhaay oo hoostaga degmada Ramo oo hoostagta Mandheera. Ciidamo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar dhabbagal ah u dhigay askar Kenyaan ah oo hawlgal waday kaasoo isku badalay dagaal toos ah.

Sida ay inoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay, natiijada dagaalka ayaa waxay noqotay in la jabiyo ciidanka Kenya kana cararaan meydadka 3 askari sidoo kalana lagala wareego saanad milatari sida hubka.

Muddo yar kadib dagaalka waxaa hawada soo galay diyaarado Kenyaatigu leeyihiin kuwaasoo markii ay goobta ka waayeen mujaahidiinta duqeymo la beegsaday xoolo Lo’ u badan oo daaqayay.

Sidoo kale waxaa lasoo warinayaa in Mujaahidiinta iyo Kenyaatiga uu dhex maray dagaal wax yar ka ka horreeyay kaasoo ka dhacay meel u dhow tuulada Darbo-cadaado oo Raamo hoos tagta, isna dagaalkan ayaa waxa uu yimid kadib markii ay Mujaahidiintu kamiin u dhigeen ciidan Kenyaan ah oo 10 Mooto ku roondeynayay si ay xaaladda wadada u qiimeystaan.

Wax yar kadib israsaaseyn goobta ka dhacday waxaa cararay ciidanka Kenya, lamana soo sheegin inta uu la eg yahay khasaaraha gaaray. Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay sii laba jibaaray hawlgalladooda gudaha Kenya dhulka Soomaaliyeed ee NFD.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular