HomeAll newsCiidanka DF oo Qof Shacab Ah Ku Dilay Muqdisho.

Ciidanka DF oo Qof Shacab Ah Ku Dilay Muqdisho.

Askar Ka Tirsan ciidanka DF ayaa xalay fiidkii wiil dhallinyaro ah ku dilay xaafadda Sey Biyaano oo ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Warbaahinada maxalliga ah qaarkood ayaa sheegay in dilkan ay geysteen rag wata dharka ciidanka DF islamarkaana dhac ka geysanayay xaafadda, wiilkan ayaana u dhintay Telefoon qaali ah oo uu watay.
Sida ay sheegayaan dadka ku dhaqan Seybiyaano ninka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmad Cabdi Cilmi (Casaam)

Nin ay saaxiibo ahaayeen oo la yiraahdo Bashiir Salaad Cali ayaa sheegay in xilligan uu ka mid ahaa shaqaalaha Isbitaalka Madiina ee Muqdisho.

Dilkiisa kadib waxaa goobta soo gaaray ciidan ka tirsan DF mana dhicin iney dabagalaan raggii saaxiibadood ahaa dilkan geystay.

Waayahan waxaa Muqdisho aad ugu soo badanaya dilalka bareerka ah ee ay ciidamada dowladda u geysanayaan dadka shacabka ah, siiba dhallinyarada.

Dadyowga adduunka waa ay ka dhiidhiyaan tacaddiyada xataa waxay ka bannaan baxaan markii shilin lagu kordhiyo maciishadda iyadoo aad arkeyso in bulshada Muqdisho aaney ka kacdoomeyn dilalka joogtada ay ee ay kala kulmayaan askarta DF iyo kuwa shisheeye.

(Xanax)

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular