Ciidamada Xarakada Al-Shabaab waxay saacadihii lasoo dhaafay la wareegeen gacan ku heynta degaan ka tirsan gobolka Galgaduud kaasoo dhaca inta u dhaxaysa magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Guriceel oo lagu magacaabo Ceeldheere.
Markii ay halkaasi ku dhawaadeen ciidamada Al-Shabaab waxaa isgaa cararay askartii Galmudug taasoo suura galisay in iyadoo dagaal dhicin laga qabsado degaanka, sida ay inoo sheegeen goobjoogayaal.
Markii ay muddo joogeen ciidanka Al-Shabaab, waxay askarta Galmudug isku dayeen iney dib u qabsadaan degaanka hase ahaatee waxay la kulmeen iska caabin adag, walow aanan helin haddii uu khasaare ka dhashay isku dhacaasi lagu jabiyay Galmudug.
Mid kamid ah dadka degaanka Ceeldheere oo codsaday inaan magaciisa iyo codkiisaba loo adeegsan qalabka warbaahinta ayaa inoo sheegay in askarta Al-Shabaab ay hawlgallo ka sameeyeen xarumihii maamulka, ayna ka qaateen agabkii yiillay kadibna ay burburiyeen.
Habeenkii xalay ayay ahayd markii garabka warbaahineed ee Xarakada Al-Shabaab uu baahiyay muuqaal soo bandhigayay weerar cagmarin ah oo lagu qaaday askar ka tirsan kuwa DF oo joogay Isbaaro taalla degaanka Caliyaale ee u dhaxeeya Muqdisho iyo Balcad.
Tallaabada ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab maanta ku gaareen degaanka Ceeldheere ayaa kusoo aadeysa xilli maalintii dorraad ahayd ay gudaha u galeen degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.