HomeAll newsCiidamada Al-Shabaab oo Hawlgallo Ka Fuliyay Sh/hoose Iyo Jubbada Hoose.

Ciidamada Al-Shabaab oo Hawlgallo Ka Fuliyay Sh/hoose Iyo Jubbada Hoose.

Askarta Al-Shabaabab

 

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo si joogto ah u weerara ciidamada shisheeye iyo kuwa DF, ayaa habeenkii xalay iyo maalintii shalay fuliyay hawlgallo kala duwan oo qaarkood sababay khasaare dhimasho iyo mid dhaawac.

Shabeelaha Hoose, haddaan ku hormarno waxay xalay ciidamada Al-Shabaab weerareen saldhigga ciidamada shisheeye ee degaanka Ceelasha Biyaha.

Saldhiggan oo ku yaalla xaafadda Arbacow ayaa waxaa deggan ciidamo ka tirsan kuwa Uganda waxaana ay dadka degaanka sheegeen in muddo dagaalku socday, lamase oga inta uu la eg yahay khasaaraha.

Isla gobolkan, waxay xalay ciidamada Mujaahidiintu weerar ku ekeeyeen saldhigyada ciidamada DF ee degaanada Bariire iyo Sabiid ee duleedka degmada afgooye.

Intaa waxa dheer oo ay milatariga Al-Shabaab dhabbaha u galeen ciidan ka tirsan kuwa DF oo ku socdaalayay inta u dhaxaysa Nambar 50 iyo Awdheegle, halkaasoo 3 looga dilay askarta dowladda, looga furtay 2 qori islamarkaana looga gubay hal Mooto oo ay ku socdaalayeen.

Sidoo kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraro ka fuliyay gobolka Jubbada Hoose, habeenkii xalay, waxayna weerar ku qaadeen saldhigga ciidanka Kenya ee degaanka Hosingow.

Dagaalkan ayaa ahaa mid xooggan iyadoo hub culus lala beegsanayay saldhigga ciidanka Kenya iyo difaacyadooda, halka Kenyaatiga ay ridayeen rasaas aan loo meel dayin iyo madaafiic ay duurka ku garaacayeen.

Ciidamada Xarakada Mujaahdiiinta Al-Shabaab ayaa sidoo kale xalay weerar ku qaaday fariisinka ciidamada Kenya ee degaanka Taabto, wuxuuna ahaa weerar muddo nus saac ku dhow socday. Kenyaatiga ayaa awoodi waayay iney galaan dagaal toos ah marka laga yimaado iney godadka rasaas kasoo ridayeen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular