Maringubaay waa degaan ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, wuxuu dhacaa wadada laamiga ah ee Muqdisho iyo Kismaayo, gaar ahaan wxuu ku yaallaa inta u dhaxaysa degmooyinka Baraawe iyo Buulomareer.
Kadib markii ciidamada shisheeye ee Amisom ka bexeen degaanka muddo laga joogo 6 bilood ayaa waxaa inoo suura gashay inaan booqano si aan usoo tabino waxa iska badalay xaaladda.
Inkastoo reer Maringubaay ay tabanayaan dhibaatooyin badan sida:- dil, kufsi, anshax-darro, bahdilid iyo caburin, haddana waxay ku naalloonayaan horumar dhanka amniga, ganacsiga iyo waxbarashada ah, waxaana degaanka maamula Xarakada Mujaahaidiinta Al-Shabaab, wilaayada Sh/hoose.
20-Jun-2021, ayay ahayd markii ciidamada shisheeye ee Uganda ay isaga carareen degaanka Maringubaay oo ay heysteen muddo 6 sano iyo bilooyin ah kadib markii ay ku bateen dagaalada tooska ah iyo weerarada jidgalka ah ee ay kala kulmayeen milatariga Xarakada Al-Shabaab.
Sawirrada laga soo qaaday xerada ayaa waxaa laga dheehanayaa in ciidanka Uganda ay dhulka ku aaseen gaadiid dhowr ah oo ay waxyeello ka gaartay islamarkaana ay jiidan kari waayeen.
Halkan Ka Degso Barnaamijka Gaarka Ah Ee Marin Gubaay
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA