HomeAll newsAskari Lagu dilay Muqdisho iyo Weeraro ka dhacay qaar kamid ah gobollada.

Askari Lagu dilay Muqdisho iyo Weeraro ka dhacay qaar kamid ah gobollada.

 

Askari katirsan Al-Shabaab oo ku sugan xarunta maamulka Balcad.

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa xalay ka dhacay howlgal gaar ah oo lagu beegsaday askari katirsan ciidamada Sirdoonka Dowladda federaalka.

Askariga waxaa lagu dilay xaafadda Cali Kamiin ee degmada Wardhiigley, raga dilka geystay ayaana goobta si nabad ah uga tagay.

Dhanka Galgaduud, ciidamada Mujaahidiinta ayaa weeraray saldhig deegaanka Godinlabe ee hoostaga Cadaado kaga sugnaayeen ciidamada maamulka Galmudug, waxyeello kala duwan ayaa lasoo warinayaa in la gaarsiiyay askarta la weeraray.

Shabeellaha Dhexe, ciidamada Mujaahidiinta ayaa weeraray askarta Dowladda federaalka oo ku sugnaa gudaha magaalada.

Shabeellaha Hoose, waxay ciidamada Mujaahidiinta weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Dowladda federaalka ku leeyihiin deegaanka Nambar 60.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular