HomeAll newsAl-Shabaab oo Gudaha Kenya Ka Geystay Weeraro Ay Gaadiid Ku Gubeen Askarna...

Al-Shabaab oo Gudaha Kenya Ka Geystay Weeraro Ay Gaadiid Ku Gubeen Askarna Ku Dileen.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraro kala duwan ka fuliyay dhulka Soomaalida (NFD) ee ay Kenya heysato kuwaasoo sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur gaadiid.

Weerarada oo kala dhacay shalay iyo maanta ayaa ka kooban qaraxyo iyo dhabba gallo, waxayna ka kala dhaceen agagaarka Mandheere iyo dhanka Raamo.

Haddaan ku horreyno weerarkii shalay waxay ciidamada Mujaahdiintu ku beegsadeen ciidamo Kenyaati ah oo lugeynayay inta u dhaxaysa Mandheera iyo Finnow. Ciidanka ayaa ka degay gaadiidka iyagoo uga baqayay in la qarxiyo ama kamiin loo galo sidaa darteed iyagii ayaa la qarxiyay.

Xogtu waxay sheegeysaa in askartaas ay noqdeen dhimasho iyo dhaawac, walow aan la helin cadada rasmiga ah ee dhimatay iyo inta dhaawacantay. Goobta qarxu ka dhacay waxaa soo gaaray mid kamid ah gaadiidkii ay ciidankan ilaalinayeen kaasoo lagu daabulay meydadka iyo dhaawacyada.

Sidoo kale maanta waxaa dhacay weeraro kale oo ay ciidamada Xarakada Mujaahdiiinta Al-Shabaab ka geysteen inta u dhaxaysa Ceelwaaq (2) iyo Raamo.

Mid kamid ah weeraran wuxuu ahaa jid gal loo dhigay kolonyo ciidamo Kenyaan ah oo xawaare sare ku soconayay, waxaana uu kamiinkaasi daqiiqado kadib hakiyay askartii Kenyaatiga wuxuuna isku badalay dagaal toos ah.

Muddo yar kadib waxaa Kenyaatiga laga gubay gaari xamuul ah oo ay saarnaayeen tobannaan askari kadib markii lala helay hub culus kaasoo haddana sii rogmaday. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay waxya inoo xaqiijiyeen in wixii saarnaa gaariga ay dhinteen marka laga reebo 3 askari oo dhaawacantay.

Isla aaggaas waxaa ka dhacay Kamiin kale oo loo dhigay ciidanka Kenyaatiga kaasoo isna looga gubay gaari noociisu yahay Koyal, awaxaana dhimasho iyo dhaawac u qeybsamay dhammaan askartii saarnayd gaariga.

Ciidamada Xarakada Mujaahdiinta Al-Shabaab ayaa si dardar leh uga hawl galaya gudaha Kenya iyo dhulka Soomaaliyeed ee NFD, halkaasoo xilligan noqotay goob ay adag tahay in askarta Kenya ay ku socdaalaan, halka xilliyadii hore ay usoo dalxiis iyo nasasho doonan jireen, tanina waxay keentay in dadka Muslimiinta ah ee dhulkaasi ku nool ay dareemaan in culeyskii ciidankaas uu ka khafiifay.
Kusoo Biir Channelka Al-Furqaan ee Telegram.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular