Mu’asasada Al-kataa’ib oo ku hadasha afka Xarakada Al-Shabaab, waxay caawa sii deysay muuqaal muddo kooban soconaya laakin muhiimad weyn xambaarsan kaasoo lagu soo bandhigay weerar cagmarin ah oo ay Mujaahidiintu ku qaadeen askar ka tirsan kuwa DF oo ay isbaaro u taallay degaanka Caliyaale oo dhaca inta u dhaxaysa Muqdisho iyo degmada Balcad ee wilaayada Sh/dhexe.
Muuqaalka ayaa waxaa lagu billaabay xadiith ka sugan Nabiga SCW oo dadka muslimiinta ah u tilmaamaya fursad aad iyo aad u weyn oo haddii uu qofku Alle waafajiyo Jannada ku galayo, xadiithkaas oo uu fasirayo Sh/Mukhtaar Abu Zubeyr Amiirkii XSHM, Raximahullaah.
Filimka ayaa waxa uu si toos ah usoo bandhigay bartii lagu weeraray ciidamada DF iyadoo lasoo bandhigay meydadka askartii lagu dilay weerarka cagmarinta ah, waxaa kuwa la dilay kamid ah qaar qayilayay ama jaad cunayay kuwaasoo halkii ay fadhiyeenna ay yaallaan dhowr baakad oo sigaar ah.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa horey u caddeysay in sababta ay ciidamada DF u dileyso ay tahay iyagoo garab u noqday shisheeyaha si lamid ahna ciidan u noqday dastuur ay shisheeyaha qoreen oo la dhigay booskii kitaabka Qur’aanka kariimka.
Kamaradda Al-kata’ib ayaa qabatay sandaqaddii ay ilaalada ka hayeen ciidamada DF iyo halkii ay ku sugnaayeen markii uu weerarku dhacayay, waxaana la arkayaa qaarkood oo ay markaa naftu kasii baxayso.
Isdaarka ayaa waxaa ugu dambeyn lagu soo gabagabeeyay kalimad aad saameyn u leh oo uu jeedinayo shahaadadiisa Alle haka aqbalo’e, Sh/qaasim Arriimi, Amiirkii Mujaahidiinta Al-qaacidda ee Jaziiratulcarab, kalimadda ayaa si xeeldheer kuugu bidhaamineysa muhiimadda niyada iyo acmaasha qalbiya, Sheekha ayaa sheegaya in ay dhici karto qof camalkiisu badan yahay inuu ajarkiisa yaraado, niyad la’aan darteed, dhanka kalana qof camalkiisu yaryahay uu ajarkiisu bato ixtisaabka iyo niyadda darteed.
Dhawaan ayay ahayd markii ay Al-kataa’ib baahisay muuqaal soo bandhigayay ciidamo ka tirsan kuwa DF oo cagta la mariyay kuna sugnaa degaanka Buurane oo u dhow degmada Mahadaay ee wilaayada Sh/dhexe, waxaana muuqaaladan ay xambaarsan yihiin farriimo ku socda ciidamada Al-Shabaab iyo kuwa ku wajahan DF iyo askarteeda.