HomeAll newsWeerar Keligii Duulnimo Oo ka dhacay magaalada barakeysan ee Al-Qudus.

Weerar Keligii Duulnimo Oo ka dhacay magaalada barakeysan ee Al-Qudus.

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Al-Qudus ee kamid ah dhulka Filastiin ayaa tilmaamaya in weerar keligii duulinimo oo qorsheysan uu ka dhacay meel u dhow masjidka barakeysan ee Al-Aqsaa, kaasoo lagu beegsaday ciidamo Yahuud ah.

Wiil dhalinyaro Filastiini ah oo hubeysan ayaa rasaas ooda kaga qaaday tiro ciidamo Yahuud ah oo ku sugnaa meel u dhow albaabka As-Salsala oo kamid ah albaabada u dhow masjidka barakeysan ee Al-Aqsaa.

Durba waxay rasaastu haleeshey 4 askari oo katirsan ciidamada Yahuudda oo ku sugnaa halka uu weerarka ka dhacay, waxaana goobta ku dhaawacmey afarta askari, iyadoo wararka qaar ay tilmaamayaan in mid kamid ah askarta uu u dhintay dhaawac culus oo soo gaaray.

Askarta Yahuudda ee ka badbaaday weerarka iyo fuliyaha weerarka ayaa rasaas culus is weydaarsaday, iyadoona ugu dambeyn goobta uu ku dhintay fuliyaha weerarka.

Warbaahinta maamulka Yahuudda waxay qaarkood tilmaamayaan inuu jiro shakhsi kale oo qeyb ka ahaa weerarka, kaasoo ka baxsaday goobta uu weerarka ka dhacay.

Dhacdadan lagu beegsaday ciidamada Yahuudda ee ku sugan magaalada Al-Qudus waxay markale daaha ka rogtay habacsanaanta laamaha aminga ee Yahuudda iyo sida weli dhalinyarada muslimiinta uga go’antahay iney muqadasaatka Muslimiinta ka difaacaan Yahuudda dhul boobka ah ee xooga ku heysta dhulka Filastiin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular