HomeAll newsWeerar Gaari Jiirsiin ah oo dhaliyay Khasaare Culus Oo ka dhacay dalka...

Weerar Gaari Jiirsiin ah oo dhaliyay Khasaare Culus Oo ka dhacay dalka Maraykanka.

 

Wararka ka imaanaya dalka Maraykanka ayaa tilmaamaya in weerar culus oo gaari loo adeegsaday lagu qaaday goob isku imaatin ah oo ay ka socdeen dabaaldegyo ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen dad badan.

Qof kaxeynayay gaari nooca raaxada ah ayaa xoog ku galay goobta isku imaatinka ah ee uu ka socday dabaaldeg dhalasho, taasoo ku taalla magaalada Waukesha ee gobolka Wisconsin ee dalka Maraykanka.

Kaxeeyaha gaariga ayaa mar qura ku leexday goobta isku imaatinka ah, waxaana lasoo warinayaa inuu riday rasaas dhowr ah, taasoo u muuqatay mid uu ku banneysanayay wadada, si ay ugu suuragasho inuu gudaha u galo goobta ay xafladdu ka socotay.

Ugu yaraan 5 ruux ayaa la xaqiijiyay iney durba ku dhinteen weerarka gaari jiirsiinta, halka sidoo kale inkabadan 40 ruux ay iyaguna soo gaareen dhaawacyo kala duwan, kuwaasoo lagu dabiibayo isbitaallada caafimaadka ee magaalada Waukesha ee dalka Maraykanka.

Dhakhaatiirta caafimaadka ee magaalada uu weerarka ka dhacay ayaa tilmaamaya in dhaawacyada qaar ay xaaladooda caafimaad aad u liidato, waxaana hadda ugu daran 3 ruux oo qaba dhaawacyo culus.

Iskuul hoostaga kaniisadda Catholiga ee ku taalla magaalada Waukesha ayaa sheegay in qaar kamid ah ardeyda iskuulkaas ay ku dhaawacmeen, waxaana afhayeenad u hadashey iskuulka ay tiri ” mid kamid ah dadka dhaawacmey waa baaderiga kansiisadda Catholiga ee magaalada”.

Illaa iyo hadda saraakiisha booliiska dalka Maraykanka kama hadlin sababaha ku riixay fuliyaha weerarka inuu beegsado isku imaatinka, waxaana ay sheegeen iney baarayaan suurtagalnimada wax weliba, iyo in fuliyaha weerarka uu horey u geystay weeraro kale.

Majirto todobaad soo mara dalka Maraykanka oo aanu ka dhicin weerar khasaare dhaliya, waxaana hubka oo meel weliba yaala iyo dadka Ameerikaanka ah oo dhexdooda is neceb, dulmiga ay ku hayaan muslimiintana uu iyagu ku noqday ay sababtaa in dhiiga Ameerikaanka uu ku qabto wadooyinka dalkaas, iyadoo ay u dheertahay weeraro keligii duulnimo oo ay fuliyaan dhalinyarada Muslimiinta e kasoo horjeeda dulmiga Maraykanku ku hayo muslimiinta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular