Ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay weerar culus ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaala deegaanka Dhoobley ee Jubbada Hoose, kaasoo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan kuwa maamulka Jubbaland.
Weerarka ayaa ahaa mid cagmarin ah, islamarkaana hubka la isku adeegsanayay laga maqlay qeybo kala duwan oo kamid ah magaalada, waxayna Mujaahidiintu beegsadeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Sirdoonka maamulka Jubbaland.
Weerarka oo dhacay saqdii dhexe ee xalay, waxaa u suuragashey ciidamada Mujaahidiinta iney gudaha u galaan saldhiga, soona daabushaan saanado hub iyo agabyo milliteri.
Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa ka firxaday goobta dagaalka, waxayna ku kala carareen magaalada, goor dambe oo ay soo dhaweyd salaada subax ayaana magaalada waxaa isaga baxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.