Qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ka dhacay qaraxyo culus oo lagu beegsaday ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa Dowladda federaalka.
Qarax aad u culus ayaa deegaanka Ceel wareegow ee duleedka magaalada Marko waxaa lagula beegsaday kolonyo ciidamo Shisheeye ah.
Gaari Taw ah ayuu qaraxu haleelay, waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday dhamaan askartii saarneyd, iyadoona gaariga uu si xun u basbeeley.
Deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaa iyana ka dhacay qarax weyn oo lala eegtay ciidamo lugeynayay oo katirsan kuwa Dowladda federaalka.
Qaraxa waxaa uu geystay khasaare kala duwan, si ay tilmaameyso xog aan heleyno oo la isku halleyn karo.
Kusoo Biir Channelka Al-Furqaan ee Telegram.