HomeAll newsMareykanka oo Ka Xumaaday Dilka C/Casiis Afrika! (War-rasmi ah)

Mareykanka oo Ka Xumaaday Dilka C/Casiis Afrika! (War-rasmi ah)

Dowladda Mareykanku waxay tacsi u dirtay sarkaal ka tirsanaa sirdoonka iyo warfaafinta DF oo la oran jiray Cabdicasiis Afrika kaasoo ay habeen hore Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku dishay meel aan sidaa uga fogeyn xarunta madaxtooyada ee Muqdisho.

Ned Price oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Mareykanka ayaa war rasmi ah oo kasoo baxay dalkiisa ku sheegay iney si aad ah u cambaareynayaan dilkii loo geystay Cabdi Caziiz Afrika oo ahaa agaasimihii Idaacadda dowladda kana mid ahaa saraakiisha sirdoonka.

“Mareykanku wuxuu si kulul udhaleecaynayaa dhammaan hababka argagaxisada oo uu kamid yahay weerarkii Al Shabaab ay ku dishay Cabdi Caziiz Max’mud Guuleed uuna ku dhaawacmay Sharmaake Warsame” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa wariyaal iyo saraakiil badan oo Muqdisho ku nool u aragtay iney qabanayaan shaqadii ay u xilsaarnaayeen wariyaasha Mareykanka ee ay duruufta amni u diiday iney dalka Soomaaliya ka warramaan kana barbar hadlaan ciidamada Amisom iyo kuwa AFRICOM.

Afrika ayaa saameyn xooggan ku dhex lahaa taliska Nabad sugidda DF oo uu sarkaal ka ahaa, waxaana shaqadaas geeyay Axmad Macallim Fiqi oo ah nin ay Afrika ka wada siman yihiin aragtida ah la dagaalanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab sida uu ku sheegay wareysi uu dhawaan bixiyay.

Fiqi ayaa aad ula yaaban habka uu u dhacay weerarka lagu dilay Afrika iyo halka uu ka dhacay oo uu ka aaminsan yahay iney tahay goob aad loo sugay ammaankeeda islamarkaana jiho walba ay ka xigaan saldhigyo, wasaarado ay tan Amniga kamid tahay iyo ciidamo badan.

Taliska ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ku goodiyay inuu beegsanayo cid walba oo islaamka kula dagaalanta af iyo addin intaba.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular