HomeAll newsKhasaaraha ka dhashey Qarax Culus Oo ka dhacay Jannaale Oo La Ogaaday.

Khasaaraha ka dhashey Qarax Culus Oo ka dhacay Jannaale Oo La Ogaaday.

Maalintii shalay duleedka magaalada Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ka dhacay qarax culus oo lala eegtay gaari nooca dagaalka ah oo ay saarnaayeen ciidamada Shisheeyaha Uganda.

Qaraxa ayaa burburiyay gaariga, waxaana askartii saarneyd ay noqdeen dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan 2 askari oo katirsan ciidamada Shisheeyaha ee ka socda dalka Uganda ayaa ku geeriyooday qaraxa, halka 3 kalena ay ku dhaawacmeen.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxan, waxaana fuliyay guutada Qaraxyada ee ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Dhagayso Xogta-khasaaraha-ka-dhashey-qarixii-ka-dhacay-Jannaale.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular