Warbaahinta islaamiga ah ayaa heshey xogta rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashey dagaalkii weynaa ee ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab habeenkii Axadda ku qaadeen magaalada Dhoobley ee Jubbada Hoose.
Dagaalka oo ahaa mid xasmin ah, islamarkaana socday in muda ah waxaa ka dhashey khasaare isuga jria dhimasho iyo dhaawac, iyadoona wadarta guud ee dhimashada iyo dahawaca ay gaareyso 24 askari oo uu sarkaal ku jiro.
7 Askari ayaa la xaqiijiyay dhimashadooda, waxaana kamid ah sarkaal sare oo lagu magacaabo Nuur, halka sidoo kale ay dhaawacmeen 17 askari oo kale, kuwaasoo 7 kamid ah xaaladooda caafimaad ay aad u liidato.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay ku gubeen dagaalka gaari nooca Succeed-ka loo yaqaano, kaasoo yaaley saldhiga ay ciidamada Mujaahidiinta ah weerareen.
Ciidamada sida gaarka ah ay Mujaahidiintu u beegsadeen ayaa ahaa askarta PS-ta ee maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe.