HomeAll newsDF oo Walaac Ka Muujisay Muuqaaladii Taxanaha Ahaa Ee Ay Baahiyeen Al-Shabaab.

DF oo Walaac Ka Muujisay Muuqaaladii Taxanaha Ahaa Ee Ay Baahiyeen Al-Shabaab.

Dowladda Federaalka ayaa habeenkii xalay si caro ay ku dheehan tahay uga hadashay taxanayaasha “saa’a maa yaxkumuun” ee ay baahisay mu’asasada Al-kataa’ib oo ah garabka warbaahineed ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Wasaaradda Awqaafta oo uu Farmaajo u wakiisha ka hadalka taxanayaashaasi saameynta lahaa ayaa soo saartay warsaxaafadeed ay ku muujineyso in filimaanta ay ka dhignaayeen duullaan lagu soo qaaday.

Wasiirka Wasaaraddan oo kamid ahaa dadkii taxanayaasha kasoo muuqday isagoo sheegaya in dastuurka ii badiil u noqon karo diinta islaamka ayaa awoodi waayay inuu toos ula hadlo saxaafadda, wuxuuna ku gaabsaday qoraalkan kooban.

Warsaxaafadeedka kama hadlin caddeymaha muuqaalka iyo qoraalka isugu jira ee filimka lagu soo qaatay kuwaasoo shaaca ka qaaday in DF ku dhaqanto sharci shisheeye qoray iyo xeerar duminaya diinta islaamka.

Wasaaraddu waxay sheegtay oo kaliya iney shirin doonto wadaadaheeda oo iyaga qudhooda filimka ku jiray lana arkayay iyagoo xumaan walba u banneynaya DF.

Taxanayaasha “saa’a maa yaxkumuun” ayaa saameyn weyn ku reebay Soomaalida waxaana aad u badan dadka ka mahad celiyay ee sheegaya iney ka heleen macluumaad ay ku qaadan karaan go’aan ku saabsan caqiidadooda iyo cidda ay la safanayaan.was

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular