Dab ka dhashey koronto ayaa qabsaday guri ku yaala magaalada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.
Dabka ayaa basbeeliyay guri ka koobnaa 4 qol oo ku yaala magaalada, waxaana u gurmaday dadka muslimiinta ah.
Inkastoo dabku aan dhalin khasaare nafeed, hadana waxaa burburay guud ahaan guriga iyo agabkii yaalay ee lagu dhaqmayay.
Wariyaal katirsan Idaacadda islaamiga ah ee Al-Furqaan ayaa gaartay goobta uu dabka ka kacay, waxayna la hadleen dadkii ku howlanaa gurmadka.
Dhawaan ayay ahayd markii dab midkan ka weyn uu ka kacay degmada Salagle ee Jubbada Dhexe, halkaasna waxaa ku basbeeley xarumo ganacsi.
Dhagayso Dab-ka-kacay-guri-ku-yaala-magaalada-Saakow-ee-Jubbada-Dhexe.