Wararka ka imaanaya dalka Ingiriiska ayaa ku waramaya in wiil soomaali ah uu geystya weerar uu u adeegsaday Toorrey.
Wiilkan soomaaliga ah ayaa iska difaacayay weerar uga yimid dhalinyaro madow Ingiriis ah, kuwaasoo doonayay iney waxyeeleeyaan wiilka Soomaaliga ah.
Hase yeeshe wuxuu lasoo baxay mindi dheer, taasoo uu la dhacay mid kamid ah dhalinyaradii weerarka kusoo qaaday.
Halkaas waxaa ku dhintay nin u dhashey dalka Ingiriiska, waxaana goobta uu dilka ka dhacay ku taallala xaafad ay ku badanyihiin Soomaalida, xarumo ganacsina ku leeyihiin.
Dhawaan ayay ahayd markii sidan oo kale wiil soomaali ah uu toorrey ku diley xillibaan katirsan baarlamaanka dalka Ingiriiska.