HomeAll newsWeeraro kala duwan oo ka dhacay Muqdisho, Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Hoose.

Weeraro kala duwan oo ka dhacay Muqdisho, Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Hoose.

Ciidamada millteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay habeenkii xalay qaadeen silsilado howlgallo ah oo lagu beegsaday askarta Dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Weerarada oo ka kala dhacay gobollada Shabeellaha Hoose, Banaadir iyo Jubbada Hoose ayaa socday in muda ah, waxaana ay dhaliyeen waxyeello kala duwan.

Shabeellaha Hoose, ciidamada Dowladda federaalka waxaa lagu weeraray degmada Awdheegle, halkaasna waxaa ka dhacay dagaal muda socday, lamana helin xogta rasmiga ah ee waxyeellada uu geystay.

Muqdisho, ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka oo ku sugan xaafadda Warsame Indhool ayaa la kulmey dagaal culus.

Jubbada Hoose, waxaa lagu weeraray ciidamada maamulka Jubbaland deegaannada Cabdalla biroole iyo Kulbiyow, waxaana halkaas ka dhashey waxyeello isuga jirta dhimasho iyo burburka gawaari ciidan.

Halkan ka dhageyo faafaahinta howlgalladaas.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular