Ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay xalay qaadeen howlgallo ay ku beegsadeen ciidamada Kenya iyo kuwa maamulka Jubbaland ee ku suga Jubbada Hoose.
Meelaha ay dagaalladu ka dheceen waxaa kamid ah Afmadow iyo Hoosingow oo katirsan Jubbada Hoose.
Dagaallada waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana jira khasaare kala duwan.
Sidoo kale, degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo waxaa ka dhacay qarax lala eegtay ciidamada Dowladda federaalka.
Qaraxa waxaa ku dhaawcmey askari katirsan kuwii qaraxa lagu beegsaday.
Halkan ka dhagayso Faafaahinta weerarada ka dhacay Jubbada Hoose iyo Gedo.