Ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay saacadihii lasoo dhaafay fuliyeen silsilado weeraro ah oo lagu beegsaday ciidamada Shisheeyaha iyo askarta Soomaalida ee la shaqeysa.
Deegaannada Hosingow iyo Taabto oo katirsan Jubbada Hoose waxaa lagu weeraray ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Shisheeyaha duulaanka ku jooga dalkeena Soomaaliya.
Afmadow oo iyana katirsna isla Jubbada Hoose waxaa lagu weeraray ciidamada maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe.
Shabeellaha Hoose, degmada Awdheegle ayaa muda sacdex jeer ah waxaa lagu weeraray ciidamada Dowladda federaalka, dagaallada ayaana ahaa kuwa aad u culus.
Muqdisho, degmada Wadajir waxaa lagu toogtay askari kaitrsan Dowladda federaalka oo magaciisa lagu sheegay Kaahiye Carrabey.
Deegaanka Daynuunaay deegaan hoostaga oo dhaca duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waxaa iyana lagu weeraray askarta maamulka Koonfur galbeed, dagaalka halkaas ka dhaceyna wuxuu ahaa mid aad u culus.
Halkan ka dhagayso Howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobollada Soomaaliya
(Ativan)