HomeAll newsWasiirkii hore ee arimaha Dibadda Maraykanka Oo Xanuun U Geeriyooday.

Wasiirkii hore ee arimaha Dibadda Maraykanka Oo Xanuun U Geeriyooday.

 

Wasiir arima dibadeedkii ugu horeeyey ee Maraykanka ahaana nin madow ayaa ku dhintay gudaha dalka Maraykanka.

Ninka lagu magacaabo Colin Powel oo soo noqday wasiirkii ugu horeeyey ee arimaha dibadda dalka Maraykanka, ahna madow Ameerikaan ayaa la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday dalka Maraykanka, kadib markii uu soo ritay xanuunka Coronavirus.

Ninkan 84 sano jirka ah ayaa la sheegay in mudooyinkii u dambeeyay uu aad u xanuunsanayay, qoyskiis ayaa qoraal ay soo dhigeen barta Internetka waxay ku xaqiijiyeen geeridiisa.

” Waxaan weynay xaas, aabe, awoow iyo nin Maraykannimadu ku weyntahy” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay qoyska wasiirkii hore ee arimaha dibadda dalka Maraykanka Colin Powel.

Colin Powel ayaa soo noqday wasiirkii arimaha dibadda ee Maraykanka xilligii dalka Maraykanku hgaaminayay ninka lagu magacaabo George W Bush, oo ahaa ninkii qaaday duulaannadii Afqaanistaan iyo Ciraaq.

Wuxuu horey uga soo mid noqday ciidamadii Maraykanka ee ku duuley dalka Vitnam, isagoona mar soo noqday taliyaha ciidamada Maraykanka.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular