HomeAll newsLars Vilks oo ahaa Aflagaadeeyihii Rasuulka SCW Oo Si xun ugu dhintay...

Lars Vilks oo ahaa Aflagaadeeyihii Rasuulka SCW Oo Si xun ugu dhintay Sweden.

 

Wararka ka imaanaya dalka Sweden ayaa ku waramaya inuu halaagsamay ninkii ku caan baxay aflgaadeynta Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam ee u dhashey dalkaas, kaasoo lagu magacaabo Lasr Vills.

Lars Vilks ayaa dhintay kadib markii gaari booliis oo uu saarnaa uu shil ku galay mid kamid ah magaalooyinka wadankaas, xilligaas oo uu socdaal ku jiray.

Warbaahinta dalka Sweden waxay tilmaameen in gaariga uu saarnaa ninkan aflgaadeyn jiray Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam uu marayay wadada E4 ee magaalada Marikad, halkaas oo uu kula dhacay gaari weyn oo xamuul ah.

Holac ayaa qabsaday gaariga booliiska ee uu saarnaa Lars Vilks, waxaana halkaas si xun ugu dhintay isaga iyo 2 sarkaal oo katirsan ciidamada booliiska, kuwaasoo ahaa ilaaladiisa gaarka ah tan iyo sanadkii 2007-da.

Afhayeen u hadlay ciidamada booliiska wadanka Swidan ayaa xaqiijiyay geerida Lars Vilks iyo sarkaal oo booliis ah, wuxuuna sheegay iney socdaan baaritaanno lagu ogaanayo sababta rasmiga ah ee keentay shilka.

Waxaa soo baxaya warar tilmaamaya in shilka uu ula kac ahaa, islamarkaana loogu talagalay in lagu dilo ninkaasi ku caan baxay aflgaadada Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam, waxaana xeer ilaalinta guud ee dalka Swidan ay sheegtay iney suuragal tahay in si ula kac uu u dhacay shilka.

Lars Vilks ayaa ahaa nin ay caro badan u hayeen muslimiinta caalamka, kadib markii uu si bareer ah sawir gacmeedyo ugu aflgaadeyey Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam, waxaana uu Allaah oofiyay ballantii uu ka qaaday Rasuulkiisa ee ahayd inuu ka kaafinayo cid weliba oo ku jees jeesta, maanta ayuuna geeriyooday, iyadoo weliba uu gubtay gebi ahaan jirkiisa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular