HomeAll newsLaba Sarkaal Oo Lagu Dilay Iska Hor imaad Ka Dhacay Bariga Dalka...

Laba Sarkaal Oo Lagu Dilay Iska Hor imaad Ka Dhacay Bariga Dalka Masar

Warbaahinta Masar ayaa baahisay in dhowr qof oo ka tirsan ciidamada ammaanka ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen iska hor imaad dhex maray ciidamada booliska Masar iyo xubno hubaysan.

Iska hor imaadkaan ayaa ka dhacay bartamaha gobalka Ismaaciiliya ee dhaca bariga dalka Masar wuxuuna u dhaxeeyay ciidamada amaanka iyo kooxo ku eedaysan danbiyo oo ay ku raad joogeen laamaha amaanka sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan xukuumadda Qaahira.

Sida ay wararku tilmaamayaan dagaalka ayaa yimid ka dib markii dabley aan la garaneyn ay rasaas ku fureen ciidamada booliska subaxnimadii maanta oo Arbaco ah.

Inta la xaqiijiyay isku dhacyadaan waxaa ku dhintay laba sarkaal oo ka tirsan ciidanka booliska dowladda Maser iyo hal ruux oo ka mid ahaa kooxda hubeysan, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Ilo wareedyo dhinaca amniga ah ayaa sheegay in is-weydaarsiga rasaasta ay sababtay dhimashada Gaashaanle Dhexe Axmed Nassar iyo Gaashaanle Cabdiraxmaan Caadil oo ka tirsan ciidanka Nabad-sugidda ee gobalka Ismaaciliya ee dalka Maser.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular