HomeAll newsKooxda Suufiyada Oo isaga baxay Guriceel iyo Xaaladda oo degan.

Kooxda Suufiyada Oo isaga baxay Guriceel iyo Xaaladda oo degan.

 

Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo maalmihii lasoo dhaafay dagaallo adag ka socdeen ayaa tilmaamaya in xaaladda magaalada ay hadda degantahay.

Ciidamada Suufiyada ayaa isaga baxay magaalada Guriceel, waxaana magaalada si buuxda ula wareegay ciidamada Dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Galmudug.

War cad lagama hayo halka ay aadeen ciidamada Suufiyada iyo hogaamiyaashooda, waxaana jira khasaare baaxad leh oo dhinacyada ku dagaallamay Guriceel kala gaaray.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular