HomeAll newsItoobiya oo Uu Culeys Kasoo Fuulay Jihooyin Hor Leh. (Warbixin)

Itoobiya oo Uu Culeys Kasoo Fuulay Jihooyin Hor Leh. (Warbixin)

Dagaallo sidii daadadkii oo kale ah oo hadba dhinac kasoo rogmanaya ayaa fara ba’an ku haya dowladda dalka Itoobiya, waxaana todobaadkan ku furmay jabhad cusub iyadoo jabhadda Oromaduna wado weeraro ay dhul badan ku qabsanayso.

Jabhadda OLF oo dhawaan soo bandhigtay xero tababar oo lagu soo saaray kumannaan askari oo dhallinyaro ah ayaa waxay billowday dhaqdhaqaaqyo si xawli ah ku socda oo ay ku qabsanayso degaano iyo magaalooyin ka tirsan dhulka baaxadda leh ee qowmiyaddooda.

Sida laga soo xigtay mas’uuliyiintooda iyo xataa kuwa dowladda Itoobiya, waxay qabsadeen magaalooyin ka tirsan gobolada Arsi, Guji, Boorana, Walaga, Shawa iyo Bale. Qaar kamid ah magaalooyinka waxay isaga qaadeen sawirro, waxaana la arkayaa ciidan badan oo timadhaadheer.

Degaan walba oo ay qabsadaan waxaa soo dhaweynaya dad weynaha oo ah kuwa garanaya cadaawadda dowladda Itoobiya, doonayana iney ka baxaan gumeysiga. Ciidamada jabhadda OLF ee Oromada ayaa xarumihii dowladda ee ay gaeen ka qaatay wixii agab ahaa ee yiilay sida hubka iyo gaadiidka.

Ciidankan ayaa sidoo kale hawl galladooda iyo dhaqdhaqaaqyadooda ku baahiyay degaanada dariska la ah si ay ugu guubaabiyaan iney fadhiga ka kacaan oo la diriraan gumeysiga dowladda Itoobiya, maadaama maanta ay fursad weyn u heystaan arrintaas.

Goobaha ay tageen waxaa kamid ah dhulka Soomaalida, siiba gobolka Erer, halkaasoo dadkii joogay ay u sheegeen iney dulliga iska qaadaan. Waxa kale oo ay tageen dhulka Shucuubta Koofureed, Banishangul, Sidaamo iyo meelo kale.

Mas’uulka maqaar saarka ah ee dowladda Itoobiya ugu magacaaban madaxweyne goboleedka degaanka Oromada oo dhawaan hadlay wuxuu sheegay in dhulkii intiisa badan ay la wareegeen ciidanka OLF, taasina ay ugu wacan tahay ciidankii dowladda oo dhulkii faarujiyay.

Sidoo kale waxaa dowadda Itoobiya ku furantay jabhad cusub oo ay leeyihiin Gambeelaha oo la yiraahdo GPLF, Jabhaddan oo magac ahaan u jirtay in muddo ah ayaa haatan billowday dhaqdhaqaaqyo milatari oo la taaban karo, kadib markii ay maalintii shalay ciidamadeedu weerareen ciidanka dowladda Itoobiya ee difaaca u ah caasimadda Gambeelaha.

Dagaal muddo socday kadib waxaa u suura gashay iney jabiyaan ciidankii dowladda Itoobiya ayna soo galaan caasimadda walow ay mar dambe isaga baxeen. Afhayeen u hadlay Jabhadda wuxuu sheegay iney iskood uga bexeen magaalada markii ay doonaanna ay soo gali doonaan. Sidoo kale mas’uulka Itoobiya ugu magacaaban dhulka Gambeelaha ayaa sheegay iney ka hor tageen malleyshiyaad uu sheegay iney dagaallo iyo rabshado ka oogeen duleedka caasimadda.

Intaa waxa dheer, in qowmiyadda Tigree ay ciidamo badan ku daabushay furimaha dagaalka tobankii cisho ee ugu dambeeyay iyadoo ka faa’iideysanaysa mashquulka heystay xukuumadda Abiy ee ku aadanaa caleema saarka iyo xafladaha.

Waxa kale oo dalka Itoobiya laga soo tabinayaa in qowmiyadda Amxaarada ay ku bexeen qabaa’il ay xilfi ama bahwadaag ahaayeen kuwaasoo ay muddo hore ku qancisay iney noqdaan sheegad ama sheegtaan iney yihiin Amxaaro. Qowmiyadda Tigree ayaa dadkaas ku kicineysa Amxaarada oo hubka siineysa, sidaa darteed waxaa gobolada Gonder iyo Wallo laga soo sheegaya xiisado dgaaal.

Xaaladda dalka Itoobiya ayaa ah mid marba marka ka dambeysa kasii dareysa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular