
Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari oo uu ka arimiyo maamulka Puntland ayaa waxaa ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen qaar kamid ah haweenka magaalada.
Haweenkan ayaa ka hor yimid xeer la doonayo in laga hirgeliyo dhulka uu ka taliyo maamulka Puntland oo la xirira gudniinka gabdhaha.
Waxay sheegeen haweenkan isku yimid iney yihiin dad muslimiin ah, shareecada islaamkana ay qabto in la gudo hablaha, sidaas darteed ay diidanyihiin xeerka uu doonayo inuu hirgeliyo maamulka Puntland.
Haweenka-Boosaaso-oo-ka-horymid-xeer-ka-hor-imaanaya-Shareecada-islaamka