Cali Sayid Fiqi oo ah gudoomiyaha golaha baarlamaanka ee maamulka isku magacaabay ‘Koonfur Galbeed’ ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ku lug go’i doonaan ku dhaqanka diinta Islaamka. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in diinta Islaamka ay wax u tari weysay wadamada Carbeed ee mudada dheer kusoo dhaqmayey.
Ninkan oo ah nin Mulxid ah ayaa si foolxun ugu jeesjeesay diinta Islaamka, isagoo tilmaamay mid aanan la mahadin doonin ku dhaqankeeda.
Wuxuu yiri: “Diinta Islaamka Sacuudiga oo kun iyo afar boqol oo sano (1400) ay ka jirtay waxba wey u tari weysay, anaa idiin dhahaaya, Anaa soo arkay Sacuudiga, marka Soomaaliyana waxba u tari meyso”
Murtadkan laciinka ah ayaa ka mid ah Mulxidiin badan oo qarsada ilxaadka ay aaminsan yihiin iyo cadaawada gaamurtay u qabaan Islaamka iyo Muslimiinta.
Wuxuu qeyb ka yahay siyaasiyiin iyo madax katirsan Dowladda federaalka oo caawa kasoo muuqan doono xalqada 11aad ee taxanaha lagu faaqidayo xeerarka iyo qawaaniinta gaalnimo ee ay ku dhaqanto dowlada Federalka Soomaaliya, taas oo caawa lagu gorfeyn doono dagaalka lagu hayo shareecada Islaamka.