Dhacdo argagax badan ayaa ka dhacday degmada Yaaqshiid gaar ahaan xaafadda Miizaanka Dhuxusha ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Gabar saddex sano jir ah ayaa waxaa kufsaday saddex nin oo u muuqda kuwa qandaraas kasoo heley hay’adaha shisheeyaha ee dalka ka faafinaya dhaqan xumada.
Aabaha dhalay gabadha oo diiday in magaciisa warbaahinta loo adeegsado ayaa ka hadlay dhacdada, wuxuuna tilmaamay in nimanka falkaas geystay gacanta lagu soo dhigay.
Muqdisho iyo magaalooyinka lamidka ah ee ay Shisheeyuhu ku suganyihiin waxaa si xowli ah uga socda falal kufsi ah oo ay geysanayaan ciidamada Dowladda federaalka, kuwa Shisheeyaha iyo shakhsiyaad maalgelin iyo talaba ka helaya hay’ado shisheeye, waxaana dantu tahay in dhaqan xumada lagu faafiyo bulshada heer ay gaarto wax caadi ah.
Halkan ka dhagayso Gabar saddex sano jir ah oo lagu kufsaday Muqdisho