Maxamad Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynaha DF, ayaa shalay si aad ah loogu bahdilay garoonka diyaaradaha ee magaalada Adisababa, xilli uu qeyb ka ahaa madax ka qeyb galeysay caleema saarka cusub ee Abiy Axmad, ra’iisulwasaaraha dalkaas oo mar kale la doortay. Farmaajo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay saraakiil hoose oo sirdoonka ka tirsan iyo hal nin oo wasiir ah, halka madaxda kale ee ka imaneysay wadamada Afrika uu garoonka uga hor tagay Abiy Axmad.
Waxaa taa kasii daran in Farmaajo aanu qeybaha soo dhaweynta xataa kula kulmin Abiy Axmad, sida laga dheehanayay sawirro laga soo qaaday oo dhanka kale muujinayay inuu aad u faraxsanaa oo uu dhoolla-caddeynayay. Farmaajo wuxuu soo dhaweyntaasi hoose kadib ka qeyb galay xafladda Abiy oo lagu macneeyay mid uu uga jawaabayo culeyska caalamiga ah ee heysta kuna doonayo inuu dowladaha reer galbeedka tuso in uu leeyahay saaxbo afrikaan ah iyo ciidan wali daacad u ah.
Madaxweynaha DF, waxaa lagu tilmaamay inuu ahaa ninkii ugu liitay xagga hadalka, khudbaddiisa oo aan la ogeyn halka lagu qorayna waxay siyaasiyiintu sheegeen iney u muuqatay inuu jeedinayo mas’uul Axmaar ah, maxaa yeelay wuxuu ka been sheegay taariikhda Itoobiya iyo Soomaaliya. Qeybaha hore ee khudbaddiisu waxay ammaan iyo hambalyo ku hagoogtay xukumadda cusub ee Abiy iyo shacabka Itoobiya, doorashadii halka dhinac ahayd ee dalkaas ka dhacdayna wuxuu ku tilmaamay mid xalaal ah oo guuleysatay.
“Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxay u hambalyeynayaan Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed guushii baaxadda lahayd ee uu ka gaaray doorashada, waxaana u rajaynaynaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisu in ay horumar gaarsiiyaan bulshadooda iyo dowladdooda,” sidaasi waxaa yiri Farmaajo, oo intaa kusii daray inuu ku faraxsan yahay qaabkii loo soo dhaweeyay oo uu ku tilmaamay mid qiimo badan oo ka tarjumaya wuxuu ugu yeeray saaxiibtinimada Itoobiya iyo Soomaaliya.
“Ethiopia iyo Soomaaliya waxay ku raaxeystaan xiriir laba geesood oo taariikhi ah iyo xiriir saaxiibtinimo oo xooggan oo ku dhisan is ixtiraam, xiriir shacab ka shacab oo xooggan iyo isku xirnaan sii kordheysa,” ayuu ku nuux-nuuxsaday isagoo aad u qiireysan. Wuxuu u muuqday nin ay wali maankiisa ka guuxayaan waxyaabihii uu Abiy ku faanay ka hor inta aysan xoogeysan dagaalada ka socda dalkaas oo ahaa in la isku furayo geeska Afrika oo hal shacab laga dhigayo Soomaalida qiimaha badan iyo Xabashida qaayaha daran, sidaa darteed ayaa waxa uu Farmaajo cod dheer ku yiri: “Waxaan ka wada shaqeyneynaa inaan abuurno Geeska Afrika oo ammaan ah, oo is dhex gala sidoo kalana barwaaqo ah”.
Waxaa arrin lala yaabo noqotay sida uu Farmaajo uga been abuurtay taariikhda ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya oo ah hagan iyo dagaal soo taxnaa muddo ku dhow laba kun oo sannadood. Dadka ay hadalkan u sheegeyso warbaahinta DF, waxaa kamid ah ubadkii ay ciidanka Itoobiya waalidiintooda ku gumaadeen magaalada Muqdisho oo lagu tilmaamo iney kor u dhaafayaan 30 kun oo la waalid tiray.
Dadka khudbaddiisa dhageystay waxay is weydiiyeen inuu og yahay taariikhda halgankii Axmad Gurey, kii Daraawiishta, iyo khudbadihii ay jeediyeen boqorradii soo maray Itoobiya oo uu Abiy u dambeeyo kuwaasoo si isku mid ah u sheegay ineysan aqoonsanayn dhul la yiraahdo Soomaali, baddana ay iyagu leeyihiin!! Isku soo wada duuboo madaxweynaha DF, ayaa u muuqda nin doonaya in uu taageero ka helo Itoobiya si ay ugu caburiso siyaasiyiinta mucaaradka ku ah ee Xamar ku sugan uguna qabato doorasho hal dhinac ah oo lamid ah tii uu dabaal daggeeda ka qeyb galay ee uu Abiy ku qabsaday Adis-ababa.
Kusoo Biir Channelka Al-Furqaan ee Telegram.