Maanta guutada madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar duqeyn ah la beegsaday xiro ay askarta maamulka Jubbaland ku leeyihiin qeybo kamid ah Jubada Hoose.
Duqeynta ayaa waxaa si gaar ah loola beegsaday fariisinka askarta Jubbaland ee deegaanka Baarka ee duleedka magaalada Kismaayo.
Inta la xaqiijiyay 4 askari oo katirsan ciidankii ku sugnaa fariisinka ayaa halkaas ku dhintay, halka ay ku dhaawacmeen 9 kale.
Dhanka kale guutada qaraxyada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta weerar qarax ah la beegsaday ciidamo lugaynayay oo katirsan DF.
Deegaanka Mareerey oo u dhaw degmada Afgooye ee gobalka Sh-hoose ayaa lagu qarxiyay askartaan, iyagoona marti galiyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Sida aan wararka ku heleyno waxaa qaraxaan lagu dilay 3 askari oo katirsan ciidamada DF, iyadoona lagu dhaawacay 2 kale.
Howlgaladaan ayaa kusoo aadaya iyadoo dagaal ay habeenkii xalay Mujaahidiinta ku qaadeen deegaanka Baarka lagu dhaawacay 2 askari oo katirsan ciidamada maamulka Jubbaland.
Kusoo Biir Channelka Al-Furqaan ee Telegram.