HomeAll newsDowladda Zambia Oo Xabsiga Dhigtay Soomaali badan Oo ku Nool Dalkaas.

Dowladda Zambia Oo Xabsiga Dhigtay Soomaali badan Oo ku Nool Dalkaas.

 

Wararka ka imaanaya dalka Zambia ayaa ku waramaya in ciidamada wadankaas ay xabsiga dhigeen dad badan oo Soomaali ah oo kamid ah soomaalida wadankaas ku nool.

Ciidamada ammaanka ee dalka Zambia ayaa maalmihii tagay ee lasoo dhaafey waxay xabsiga dhigeen tobanaan Soomaali ah, iyadoo aan la ogeyn sababta rasmiga ah.

Magaalada Ndola ee dhacda xuduuda wadamada Zambia iyo Congada Dimuqraadiga ayaa ah magaalada ugu badan ee laga qabtay dadka Soomaalida ah, waxaana la ogeyn illaa iyo hadda tirada rasmiga ah ee xabsiga la dhigay.

Zambia waxay kamid tahay wadamada ay ku dhaqanyihiin Soomaali badan, islamarkaana ay ganacsiyo ku heystaan, waxaana dad badan ay walaac ka muujinayaan tallaabada ay qaaday dowladda Zambia.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular