HomeAll newsDab Khasaare dhaliyay Oo ka kacay magaalada Muqdisho.

Dab Khasaare dhaliyay Oo ka kacay magaalada Muqdisho.

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in dab geystay khasaare isugu jira dhaawac iyo bur bur hantiyeed uu shalay ka kacay qeybo kamid ah magaalada.

Dabkaan ayaa waxa uu si gaar ah kaga kacay Goobo Ganacsi oo kuyaal Xaafada Nasteexo degmada Wadajir ee magaalada Muqfisho.

Dabka ayaa ku fiday guryo u dhaw halka uu ka kacay, taas oo sababtay inuu geysto khasaarahaan kala duwan.

Dad ku sugan halka uu dabku ka kacay ayaa sheegay in ugu horreyn uu ka kacay kaalin Shidaal, kadibna uu baabi’iyay guryo ka ag dhawaa kaalinta shidaalka.

Gawaarida dam damiska oo daahay ayay dadaal dheer kadib dhalinyarada xaafadda ku guuleysteen inay baqtiiyaan dabka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dabkaan ay ku dhaawacmeen 3 ruux, kuwaas oo la dhigay goobaha caafimaadka.

Dadka ku nool xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir ayaa sheegaya in dabka uu kusoo noq noqday xaafadda, iyagoona ku baaqay in laga fogaado waxyaaba dabka dhalin kara

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular