HomeAll newsBeesha Habargedir Oo Suldaan Ku dooratay Shabeellaha Hoose. (Sawirro)

Beesha Habargedir Oo Suldaan Ku dooratay Shabeellaha Hoose. (Sawirro)

 

Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa dhawaan ka dhacday munaasabad ballaaran oo ay ugaas ku dooratay beesha Habargedir oo kamid ah beelaha Soomaaliyeed.

Ugaas Cabdullaahi Maxmed Abtidoon ayaa noqday ugaaska guud ee beesha Habargedir ee degta Shabeellaha Hoose, waxaana munaasabadda kasoo qeybgalay waxgarad, odayaal dhaqan iyo masuuliyiin katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Munaasabadda lagu dooranayay ugaaska oo ka dhacday degmada Kurtunwaarey ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa isugu yimid dadka ku abtirsada Habargedir ee dega Banaadir iyo Shabeellaha Hoose, waxayna munaasabaddu ahayd mid aad u ballaaran.

Waaliga wilaayada Shabeellaha Hoose Sheekh Cabdi Samad Abuu Cabdi raxmaan ayaa ugaaska cusub wuxuu gudoonsiiyay qori AK47, booshkiisa, kitaabka Quraanka kariimka, Raayada Towxiidka iyo gaari nooca raaxada ah.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular