
Deegaanka Kamsuuma ee wilaayada islaamiga ee Jubbooyinka waxaa goordhow ka dhacay xukun dil ah oo lagu fuliyay labo nin oo midi uu ahaa askari katirsan ciidamada maamulka Jubbaland iyo nin kale oo ku kacay fal liwaad ah.
Boqollaal kamid ah dadka Kamsuuma ayaa isugu soo baxay fagaare ku yaala deegaanka, halkaas oo ay ku daawadeen xukunka iyo fulintiisaba.
Cabdullaahi Ooyow Mayaane, waa 20 jir, wuxuu fal liwaad ah ku sameeyay wiil 5 illaa 6 sano jir ah, isaga ayaana ka hor qirtay maxkamadda horteeda.
Cabdullaahi Maxamed Faarax, waa 24 jir, waxaa uu ahaa askari katirsan ciidamada maamulka Jubbaland, wuxuu maxkamadda ka hor qirtay inuu ahaa askari la shaqeynayay maamulkaas.
Labada eedeysane ayaa lagu xukumey xukun dil ah, waxaana qaadiga uu sheegay adillada loo cuskaday xukunka.
Halkan ka dhagayso Xukno dil Ah oo maanta ka dhacay Kamsuume