Kooxda la socodka waxa loogu yeero xuquuqda aadanaha ee dalka Suuriya ayaa maanta oo khamiis ah sheegtay in deegaanno ku yaalla baadiyaha Xalab ay ka dhaceen madaafiic xooggan oo isweydaarsi ah oo u dhexeysa ciidamada Turkiga iyo xoogagga Kurdiyiinta taas oo keentay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaartay askar ka tirsan ciidamada Turkiga.
Kormeerayaasha ayaa tilmaamay in ciidamada Turkiga iyo kuwa daacadda u ah ay la bartilmaameedsadeen tobaneeyo gantaal iyo tiro madaafiic ah deegaanno ay gacanta ku hayaan xoogagga Kurdiyiinta.
Dhankooda, xoogagga Kurdiyiinta ayaa duqeeyay goobo ay ku sugan yihiin ciidamada Turkiga, oo uu ku jirto saldhigga Al-Tuways oo ku yaalla agagaarka deegganka Maaric ee waqooyiga gobalka Xalab.
Inta la xaqiijiayay duqeymahaan ku dhaxeeyay labada dhinac waxaa ku dhintay ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidamada Turkiga halka ay ku dhaawameen tiro kale.
War rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga ee xukuumadda Ankara ayaa waxaa lagu xaqiijiyay geerida mid ka mid ah askartooda ka dib duqeyn ay dagaalyahanada Kurdiyiinta ka geysteen gobolka Xalab ee waqooyiga Suuriya.
Ma ahan markii ugu horeysay oo duqeymo ka dhacay waddanka Suuriya ay waxyeello ka soo gaarto askarta Turkida ee duulaanka ku joogga dalka Suuriya balse mar badan ayay sidaan oo kale dhimasho iyo dhaawac ugu noqdeen weeraro kala duwan oo ka dhacay dalkaas.