HomeAll newsAl-Qaacida oo ku Hanjabtay Weeraro ka dhan ah danaha Maraykanka. (Dhagayso)

Al-Qaacida oo ku Hanjabtay Weeraro ka dhan ah danaha Maraykanka. (Dhagayso)

Hogaamiye sare oo katirsan Al-Qaacidada Jaziiradda Carabta ayaa jeediyay kalimad maqal iyo muuqaal ah, taasoo uu kaga hadlay arimo muhiim ah, fariimo culusna uu ku diray.

Hogaamiye Sheekh Khubeyb Suudaani oo kamid ah masuuliyiinta AlQaacidada Jaziiradda Carabta ayaa jeediyay kalimad uu ciwaan uga dhigay “Weli meydaan fahmin dersiga” wuxuuna kula hadlay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden.

Hogaamiyahan ayaa sheegay iney AlQaacida fulin doonto weeraro lagu beegsado danaha Maraykanka, weeraradaasna ay noqon doonaan kuwa ka duwan 11 Septembar, dowladda Maraykanka aaney filan karin si ay uga hortagto.

Wuxuu sidoo kale hogaamiyahan hambalyo iyo bogaadin u diray Imaarada islaamiga ah ee Afqaanistaan iyo shacabka dalkaas, kuwaasoo 20 sano oo dagaal ah kadib ku guuleystay iney dalkooda ka xureeyaan gumeystaha reer galbeedka.

Halkan ka dhagayso Tarjamo kalimadda Maydaan fahmin dersiga- Sh. Khubeyb As-Suudaani

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular