Iyadoo ay dagaaladu si xiriir ah uga soconayaan gudaha dalka Itoobiya ayaa waxaa socda malleyshiyaad uruursi ay labada dhinac sameynayaan, waa dowladda iyo dhinacyada la safan iyo qowmiyadda Tikree oo dhan ah.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray wadanka Itoobiya ayaa waxay sheegayaan in TPLF, ay ciidamo aad u badan ku daabushay dhulka Amxaarada.
Sida laga dheehanayo muuqaallo ay soo duubeen, ciidamo badan oo lagu soo qaaday gaadiid xamuul ah, ayaa waxay iyaguu kolonyo ah u jiheysteen dhulka ay isku heystaan Amxaarada iyo Tigreega, gaar ahaan inta u dhaxaysa Maqalle illaa Waldiya, oo ay haatan maamulkeeda gacanta ku hayaan Tigree.
Tallaabadan ayaa ka dambeysay markii xukuumadda Abiy Axmad ay malleyshiyaad iyo askar badan ku daabulshay furimaha, waxaana TPLF-tu ay dooneysaa iney iska caabiso oo ay xajisato degaanada ay qabsatay.
Dad Itoobiyaan ah oo soo gudbiya xogaha iyo dhacdooyinka wadankaas ayaa xaqiijiyay in ciidamada gurmadka ah ee Tigreegu gaareen magaalooyinka Gasheena iyo Warso oo ka tirsan gobolka Wallo, si ay u difaacdaan.
Ujeedada ay Tigree xoogga u saareyso magaaladan ayaa waxay tahay istaraatiijiyadda ay xilligan u leedahay nooca dagaal ee kala dhaxeeya dowladda, maxaa yeelay waxaa magaaladaasi Gasheena ay isgoys u tahay afar wado oo muhiim ahi.
Sidoo kale wararka ka imanaya galbeedka gobolka Tigree ayaa waxay sheegayaan in ay isku dheceen ciidamadii Amxaarada iyo kuwii Eratariya ee wada socday, kadib markii Eratariyaanku soo rogeen amar ah in ciidamada dowladda Itoobiya ay isaga baxaan magaalada Humeyra oo kamid ah dhulka ay isku heystaan Tigreega iyo Eratariya.
Siyaasiyiinta Amxaarada ee dibad joogga ah ayaa durbadiiba dhalleecayn ku billaabay Amxaarada, iyagoo ku tilmaamaya iney dooneyso iney qabsato dhulkaas kuna darsato wadankeeda.
Magaalada Humeyra ee gobolka Walqeyta ayaa dhacda xuduuda Itoobiya ay la wadaagto wadamada Sudaan iyo Eratariya, lamana oga saameynta uu yeelan karo khilaafkan oo fursad weyn uga dhigan TPLF.
Geesta kale, wararka naga soo gaaraya xuduuda ay wadaagaan qowmiyadaha Canfarta iyo Tigree ayaa waxaa laga soo tabiyay iney ka dhaceen dagaallo socday mudadii afarta maalmood ahayd ee lasoo dhaafay.
Dagaaladani waxay yimaadeen kadib markii ciidamada dowladda Itoobiya iyo kuwa Canfarta oo iskaashanaya ay halkaas ka weerareen Tigreega, si ay furin cusub ugu furaan, ugana mashquuliyaan dagaalada ay ka wado gobolada Amxaarada.
Afarta maalmood ee ay dagaaladu socdeen ma jirin cid soo tabisay khadka Internetka oo xumaa aawgiis, xalay ayaana la helay xogta dagaalkaas, oo ay Tikreegu sheegeen iney ku itaal roonaadeen kana gudbeen xaduuda Canfarta.
Waxay intaasi ku dareen iney hub ka qabsadeen ciidanka dowladda iyo kuwa degaanka Canfarta inkastoo aysan soo bandhigin, laakin waxay ku hanjabtay iney sii wadi doonto duullaanka ka dhanka ah Canfarta, maadaama gobolkeeda looga soo duulay, oo dagaalkana kasoo qeyb qaateen.
Muuqaallo kooban oo ay TPLF, dagaalada degaanka Canfarta kasoo duubeen ayaa waxaa laga arkayaa gabdho ay dagaalka galiyeen oo qoriga dhashiikaha ridaya iyagoo ay baqdin ka muuqato.
Si kastaba ha ahaato’e, iyadoo ay dagaaladu ka holcayaan gudaha dalka Itoobiya ayaa waxaa haddana da’aya roobab xooggan oo wada qabow, kuwaasoo saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqa ciidamada Itoobiya ee isticmaala Taangiyada.