HomeAll newsDagaallo Culus oo ka socda gobolka Banshiir ee Afqaanistaan.

Dagaallo Culus oo ka socda gobolka Banshiir ee Afqaanistaan.

 

Kumanaan askari oo katirsan ciidamada Imaarada islaamiga ah oo ay wehliyaan guutooyinka milliteri ee sida gaarka ah u tababaran ayaa duulaan ballaaran waxay ku qaadeen gobolka Baanshiir oo ah gobolka keliya ee ka baxsan gacanta Imaarada islaamiga ah.

Dagaallada ayaa soo billowday Jimcihii lasoo dhaafay, waxaana lasoo warinayaa in ciidamada Imaarada islaamiga ah la wareegeen degmooyin istiraatiiji ah oo katirsan gobolka, kuwaasoo ay horey ugu sugnaayeen malleeshiyaadka uu hogaaminayo wiilka uu dhalay dagaal ooge Axmed Shaah Mascuud.

Degmooyinka ay gacanta ku dhigtay Imaarada islaamiga ah waxaa kamid ah Baryaan oo ah degmo muhiim ah, waxaana hadda ay Mujaahidiintu ku guuleysteen iney gudaha u galaan dooxada Banshiir ee ay ku suganyihiin malleeshiyaadka dagaal ooge Axmed Mascuud oo ah inanka Axmed Shaah Mascuud.

Imaarada Islaamiga ah waxay tilmaamtay iney go’aansatay in awood milliteri u adeegsato malleeshiyaadka halkaas ku sugan, maadaama ay diideen iney isasoo dhiibaan.

Khasaare kala duwan oo isuga jira dhimasho iyo dhaawac ayaa gaaray malleeshiyada gobolka Banshiir, waxaana saraakiisha hogaamineysa lagu soo waramayaa iney lasoo gudboonaatay cabsi xoog leh, iyagoo ka fakaraya halka ay ku baxsan karaan, maadaama uu gobolku go’doon ku jiro.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular