Idaacadda islaamiga ah ee Al-Furqaan ayaa billowday baahinta qeybta labaad waraysiyo taxane ah oo ay la yeelatay qaar kamid ah ergadii soo xushey baarlamaanka dowladda federaalka, balse markii dambe isku dhiibay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Muuqaalkan waxaa kasoo muuqanay ergada kala ah Maxamed Axmed Kulan, oo u codeeyey musharrax Xasan Maxmed Cali oo ana ku guleysan doorashada baarlamaanka, Cabdi Xakiin Cabdullaahi Cali oo u codeeyey xillibaan Saadaq Xaaji, Cabdi kariim, iyo Cabdul Qaadir Daahir Maxmed oo isna ka qeybgalay doorashadii ka dhacday cadaado ee lagu soo dooranayay xillibaannada maamulka Galmudug ku metalaya dowladda federaalka.
Waxay dhamaan ragani ka faa’ideysteen cafiskii Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, iyagoo sheegay iney ka towbad keeneen falkii ay ku dheceen.
\